Somaaliland oo ku fashilantay xallinta dagaalada Ceel-Afweyn

0
530

Maalmihii la soo dhaafay waxaa ka taagneyd deegaanka Ceel-Afweyn ee gobolka sool xiisad u dhaxeeysay laba maleeshiyo beeleed taas oo ka dhalatay 7 Ruux oo Shacab ah oo lagu dilay deegaankaas.

Hayeeshee dagaalada kusoo laAb laabtay deegaanka Ceel-Afweyn ayaa la sheegay inay xalintooda ku fashilantay Xukuumadda Soomaaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka tamarta iyo  biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa sheegay in xalinta dagaaladaas ay si cad ugu fashilantay Soomaaliland,isla markaana mud 5 Sano ah laga hadlayay dhibaatooyinka ka jira Ceel-Afweyn.

Waxaa uu ugu baaqay Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro in ay wax ka qabtaan dhibaatooynka ka jira deegaanka Ceel-Afweyn.

Horaantii todobaadkaan ayaa waxaa deegaanka Ceel-Afweyn ee Gobolka Sool waxaa si bareer ah loogu dilay 7 ruux oo Afar ka mid ah ay haween yihiin,kuwaas oo rasaas lagu furay xilli ay ku sugnaayeen kaalin shidaal lagu iibiyo.