Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Kumaandoosta ayaa waxaa ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabeen tuulooyin duleedka ka ah deegaanka Tooratoorow ee GobolkaasiShabeellaha Hoose halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaas ay Ciidamada ku doonayaan inay Shabaab uga saaraan deegaanka Tooratoorow iyo tuulooyinka u dhow dhow oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka go’aan tahay in Gobolkaasi laga saaro Al-Shabaab, isaga oo u mahad celiyay ciidamada Dowladda ee howlgalka wada.
“Ciidamada kumandoosta soomaaliyeed ee DANAB oo hawlgal balaaran ka wada deegaanka Toortoorow iyo deegaano kale oo ay ku sugan yihiin alshabaab. Sidaan horey ugu balanqaadnay shacabka gobolka shabeelaha hoose ee KGS waxaan gobolka ka ciribtiri doonaa Alshabaab insha allah ayuu yiri guddoomiye Najax”.
Howlgalkan ka bilaawday duleedka deegaanka tooratoorow yo Warka ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan ciidamada Dowladda la wareegeen degmada Awdheegle,isla markaana shalay ay Shabaab ku qaadeen weerar qaarxyo ku bilaawday.