Ugu yaraan 20-qof ayaa la dhigay Isbitaalka Mandera, kadib, markii ay dhaawacyo ka soo gaareen baskii ay la socdeen oo ku qalibmay Deegaanka Hareri ee duleedka Degmadaas
Inta badan dadka dhaawacmay waxaa soo gaaray dhaawacyo jabajab u badan, sida uu sheegay Xoghayaha Degmadda Mandera, C/raxmaan Maalim Xuseen
Ugu yaraan 2 qof oo ka mid ah rakaabka dhaawacmay ayaa la sheegay in laga jaray gacmaha, kadib, markii uu jajajb xooggan ka soo gaaray gaariga ku qalibmay waddada isku xirta Mandera iyo Raxmu.
Dhinaca kale, inta badan dadkii ku dhaawacmay shilkaasi oo la hadlay Saxaafadda iyagoo dul saaran sarriiraha Isbitaalka waxay ku eedeeyeen Dareewalka inuu si xawli ah u kaxeynayey Baska, taasi oo sababtay inuu gaariga qalibmo.