Waqtiga la’aasayo Meydka Marxuum Yariisow oo la shaaciyay

0
559

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wada qaban qaabadii ugu dambeysay ee Magalada Muqdisho loo keeni lahaa lana Aasi lahaa myedka Marxuum Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan yariisow oo ahaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,kaas oo dhaawac kasoo gaaray qarixii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir u geeriyooday.

Dhaawac ahaan ayaa loogu qaaday dalka Qatar,halkaas oo Isbitaal ku yaalla lagu dabiibayay, hayeeshee shalay Gelinkii dambe uu geeriyooday,waxaana Xukuumadda Soomaaliya ay u Magacaawday guddi si Aas Qaran loogu sameeyo.

Guddoomiyaha Guddigii loo Magacaabay xaaladaha deg dega ah ee musiibadii ka dhacday xarunta Gobolka Banaadir ahna Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Eng Cabdi Canshuur ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaarad khaas ah u diri doonto  dalka Qatar si ay meydka u soo qaado.

Waxa uu sheegay in Maalinta berito ah Aas Qaran loogu sameeyo Magaalada Muqdisho sidoo kale Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay saddex Maalin oo baroor diiqa ah.