Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeer shaqo ku tagay laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda federaalka Xafiiska Puntland ee magaalada Garowe.
Karaash ayaa waxaa xarunta kula kulmay Agaasimaha guud ee laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Korneyl Maxamed Aadan Jimcaale Koofi iyo Agaasimaha laanta socdaalka Puntland Maxamed Faarax Qambi iyo xubno kale.
Kormeerkaas ayaa la sheegay in Madaxweyne ku xigeenku uu ugu kuur galayey hannaanka ay u shaqeyso laanta hey’adda socdaalku ay ku leedahay magaalada Garowe.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa bogaadiyay maamulka iyo shaqaalaha Xafiiska laanta socdaalka iyo jinsiyadaha dalka, laanta ay ku leedahay Puntland oo uu booqasho ku tagay, isagoo kula dar-daarmay inay sii laba jibbaaraan howlaha loo igmaday ee ay ummaada u hayaan.