Akhriso:- Burundi Oo Sheegtay In Ay Askar Ku La’dahay Dagaal Iyaga Iyo Al-shabaab Ku Dhex-Maray Duleedka Balcad

0
463

Dowladda Burundi ayaa qiratay in lix ka mid ah Ciidamadeeda ay ku dhinteen dagaal ay Al-shabaab kula galeen duleedka Magaalada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Floribert Biyereke, oo ah Afhayeenka Ciidanka Burundi ayaa sheegay in Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamada Burundi uu ku sugnaa goob 30km u jirta Magaalada Muqdisho oo uu ula jeeday Balcad, halkaas oo Sabtigii ay ku dagaallameen Al-shabaab iyo Ciidanka Burundi.

Afhayeenka ayaa sheegay in Saddex Askari ay dhaawac halis ah qabaan sidoo kalena la la’yahay labo askari oo ka mid ah Ciidanka Burundi laguna la’yahay goobtii lagu dagaallamay.

Al-shabaab ayaa sheegatay in ay weerar ku qaadday Ciidamada Burundi oo ku sugnaa Tuulada Gololey ee duleedka Balcad halkaas oo ay weerar kala kulmeen AL-shabaab iyaga oo jarayay Dhirta ku hareereysan Laamiga si aan loogu soo gabdhan.

Al-shabaab waxaa ay sheegtay in Askarta Burundi oo ka badan 10 ku dileen halkaas sidoo kalena dab qabadsiiyeen qaar ka mid ah Gaadiidkii AMISOM sida Baldoosarra dii ay ku jarayeen Dhirta.