Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul waxaa uu uga hadlay dagaalkii Ciidamada Millateriga Soomaaliland iyo kuwa uu hoggaamiyo Korneyl Caare ku dhexmaray duleedka Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.
Waxa uu sheegay in dagaalkaas dhawaan si nabad ah lagu dhameyn doono,isla markaana qof walba oo qaba tabasho ay wadahadal la furayaan, si loo dhameeyo xiisadaha dagaal ee ka taagan deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag.
Madaxweynaha Soomaaliland ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in, iyaga oo ilaalinaya Sharciga Soomaaliland ay u dul qaadanayaan dhibaatooyin kasta ee la soo gudboonaada,waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay dhameynta dagaalkaas.
Taliyeyaasha Ciidamada iyo Odayaasha ayauu sheegay in qaab nabadeed ay ku wajahaan arrinta Soomaaliland kala dhaxeeysa Korneyl Caare oo ka mid ahaan jiray Saraakiisha Ciidamada Soomaaliland.
Marka laga soo tago hadalka Madaxweynaha soomaaliland ayaa wararka saakay la helayo waxaa ay sheegayaan in xiisad ay weli ka taagan tahay deegaano duleedka ka ah Magalada Ceerigaabo taas oo u dhaxeysa Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Caare.