Jubbaland oo beenisay in Odayaal aan sax aheyn la soo xulay

0
531

Guddiga doorashooyinka maamulka Jubbaland ayaa beeniyay in Guddigu ay soo xuleen Odayaal aan aheyn kuwii loogu tala galay in ay soo xulaan Xildhibaanada maamulka Jubbaland.

Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka maamulka Jubbaland Xamze Cali Barre ayaa warbaahinta u sheegay in Odayaasha la soo xulay ay yihiin Odayaashii horay u soo xulay xildhibaanada dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in Odayaasha Saxda ah ee Jubbaland uu ka maqan yahay kaliyah hal Nabadoon oo Xaalad Caafimaad u jira dalka Kenya, islamarkaana lagu badalay Mid kale oo uu soo wakiishay.

Qaar ka mid ah Musharaxiinta xilka Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in ay sameysan doonaan guddi doorasho oo ka madax banaan kan Jubbaland ee Shaqada doorashadda ku howlan.