Wararka laga helayo Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaan hoostaga degmada Afgooye uu ka dhacay qarax miino oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Qaraxaan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa haleelay Gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah,xilli uu marayay deegaanka Doonka oo ku yaalla duleedka degmada Afgooye.
Guddoomiye kuxigeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi Fitaax Xaaji Cabdulle ayaa xaqiijiyay dhacdadaas,waxaana la sheegay in ilaa 8 Ruux ay geeriyoodeen qaraxaas,kuwaas oo dhamaantood ahaa Shacab.Dadka saarnaa Gaariga Miinada qabsatay ayaa ahaa Ganacsato ka kala yimid tuulooyinka, Cusmaan Cadaay, Raama Kuulow, Dacaarta, Jiidane iyo Shiidaad oo kawada tirsan Degmada Wanleweyn, dhamaantood.Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaas ay dadka badan oo Shacabka ahaa ay ku dhinteen,kaas oo ka dhacay Tuulo u dhow degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.