Maxkamadda darajadda Koowaad ee maamulka Puntland ee Boosaaso ayaa amartay in la siidaayo Xubnaha Guddiga Wadada Bartamaha Boosaso oo dhawaan ka ay xireen Ciidanka maamulka Puntland.
Maxkamadda ayaa sheegtay in sifo sharci daro ah horay loogu soo xiray xabsiga xubnahaan oo ah kuwo adeegyo muhiim ah ka waday Magaalada Boosaaso.
Xubnaha ayaa kala ah.
Sh. Maxamed Macalin Axmed
Eng. Maxamud Maxamed Xuseen (Maalfo)
Nabadoon Maxamed Ibraahim Xaaji Faarax
Maxamed Faahiye