Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa ku howlan xalinta xiisad ka dhalatay Askari ka tirsanaay Booliiska Magaalada Baladweyne oo sabtidii galinkii hore uu dilay Askari kale oo ka tirsan Militariga Soomaaliya.
Laba maleeshiyo beeleed oo ay kasoo kala jeedaan labada askari ayaa la sheegay in xiisad u dhaxeysa ay weli taagan tahay,hayeeshee Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa kulan la qaatay Odayaasha labada dhinac si xal waara looga gaarao xiisadaas.
Guddoomiye Caraale ayaa Odayaasha dhaqanka kala hadlay dejinta xaalada,isla markaana wax walba lagu dhameeyo wadahadal si uusan u dhicin dagaal dhexmaraa labada maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda askariga wax dilay iyo kana la dilay.
Mid ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Baladweyne ayaa sheegay in wadahadallada ay meel wanaagsan marayaan,isla markaana uu rajeynayo in xal laga gaaro xiisada ka dhalatatay askariga lagu dilay Magalada Baladweyne.