Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari oo dalka Britain u joogo baaritaan caafimaad ayaa baarlamaanka dalkiisa ka dalbaday inay u kordhiyaan wakhtiga fasixiisa.
Mr Buhari ayaa dalka Nigeria ka tagay laba isbuuc ka hor waxaana lagu wday inuu maanta dib ugu laabto.
War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu ku sheegay in dhakhaatiirta ay kula taliyeen inuu sugo natiijooyinka baaritaanno caafimaad oo lagu sameeyay.
Kaaliyaha madaxweynaha Garba Shehu ayaa sheegay in aan madaxweynaha la seexinin isbitaalka, xaaladiisa caafimaadna aysan ahayn mid daran.
Mr Shehu, oo wareysi siiyay BBC-da ayaa hase yeeshee ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo xanuunka madaxweynaha.
Dadka ka faalooda arrimaha Nigeria ayaa sheegaya in maqanaashaha madaxweyne Buhari ay wax u dhimi karto kalsoonida lagu qabo maamulkiisa oo wajahaya cadaadis la xiriira dhaqaalaha sii liicaya iyo dagaalka ka dhanka ah Boko Xaraam.
Waa markii labaad oo uu madaxweyne Buhari gargaar caafimaad dibedda u raadsado muddo ka yar sanad.