Xildhibaano loo diiday in ay ka dhoofaan Garoonka Aadan Cadde

0
674

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta loo diiday in ay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Mudanayaasha ayaa sheegay in layska hor istaagay in ay ka baxaan Garoonka Muqdisho waxaana xildhibaanadaasi ka mid ah Faysal Axmed Cabdulle oo Risaala u sheegay in dib Garoonka looga soo celiyay

Xildhibaanada ayaa kusii jeeday Magaalada Caabudwaaq.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa sheegay in garoonka laga dhigay Warqad ah in aysan ka bixi karin Garoonka Muqdisho.

Maamulka Galmudug ayaa waxaa ka  dhex jira khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha iyo xildhibaanada , waxaana horay qaarkood loogu diiday in ay ka degaan Magaalada Cadaado.