Barqanimadii Maanta ayaa qarax Miino uu ka dhacay Maqaaxi Shaaha laga cabo oo ku taalla kasoo horjeedka Xarunta Inji oo ay ku Shaqeeyaan Hay’adaha kala duwan ee Maamulka Galmudug sidoo kalena Xafiis u ah Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug.
Qaraxa ayaa dad goobjoogayaal ah waxaa ay sheegeen in uu ahaa miino maqaayada lagu aasay,waxana ku geeriyooday askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Magalada Dhuusamareb halka ay ku dhaawacmeen 5 ruux oo ay ku jirto haweeneeyda leh Maqaaxida qaraxa uu ka dhacay.
Markii uu qaraxa dhacay ayaa inta badan waxaa Warbaahinta qaarkood lagu qorayay in uu ahaa qarax ismiidaamin ah,hayeesheee saacado kadib la ogaaday in uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah,isla markaana askariga ku geeriyooday aad loooga yaqaano Magalada Dhuusamareeb kana tirsanaa Ciidamada Booliska kaas oo Magaciisa lagu sheegay
Dhinaca kale Ciidamada Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegeen inay fashiliyeen qarax Miino oo lagu dhex qariyay Gasax Caana-boro ah,kaas oo la dhigay meel u dhow Saldhiga Booliska degmada Dhuusamareeb.
Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxyadaas,waxana ay sheegeen inay ku dileen askar ka tirsaneyn Maamulkii ahlusunna ee ku biiray Galmudug.