Baarlamaanka Somaliland oo cod u qaadaya Saldhigga Imaaraadka ee Berbera

0
610

Baarlamaanka Maamulka Somaliland ayaa dhawaan la filayaa in uu cod  qaado Saldhigga Milatari ee Dalka Imaaraadka uu ka furanayo Magaalada Berbera.

Dowladda Imaaraadka ayaa maamulka Siilaanyo kala heshiisay in saldhig ciidan ay ka sameysato Magaalada Berbera,halkaas oo dekadda ku taallana lagu wareejiyay Hay’adda DPWorld ee laga leeyahay Imaaraadka.

Saldhiggan,waxaa uu buuq badan ka dhex abuuray Xisbiyada Mucaaridka iyo Xukuumadda Somaliland,waxaana sidoo kale uu saameeyay dadweynaha oo aad u hadal haya.

Baarlamaanka Somaliland ayaana la filayaa in uu dhawaac cod u qaado in Saldhiggaas laga furo Somaliland iyo in kale.

Dowladda Imaaraadka oo ka mid ah Isbaheysiga Dowladda Sucuudiga ee ku jira dagaalka Yemen ayaa waxaa ay saldhigyo ka sameysanayaan dalalka Bariga Afrika sida Jabuuti,Maamulka Somaliland iyo Eritrea,kuwaas oo ay dhamaan kula jiraan Wadahadallo.