Wafdi isugu Jira Wasiir Dowlaha Gaashaandhiga iyo Taliyaasha Ciidanka Qalabka Sida ayaa Maanta Booqdey Xeryaya Ciidamada dowladda ee ku yaalla Gudaha Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Taliyaha Xoogga S/Gaas Daahir Aadan (Indha-Qarshe) ayaa Boqolaal Askari oo ka tirsan Ururka Guulwade ee Qaybta 21aad kula hadley Xarunta Bangiga ee Gudaha Gaalkacyo,waxa uuna ku Amaaney Ciidamadaas isku dhafka ah Shaqada wanaagsan ay ka qabteen Nabadgalyada Magaalada Gaalkacyo Tan iyo Markii la aas’aasay.
Sidoo kale Saraakiisha ayaa soo martay Xerada CiidankaBooliska Gaalkacyo , Xarunta Daraawiishta, Xabsiga dhexe iyo Xarunta Ciidanka Asluubta
Wasiir Dowlaha Gaashaandhiga Maxamed Cali Xagaa ayaa Ugu Dambeyn Amaaney Qaybaha kala duwan ee Ciidanka Amniga sida ay u Guteen waajibkooda iyo Nabada ka Muuqata magaalada Gaalkacyo oo ah mid lagu diirsadey .
Wasiir Dowlaha Gaashaandhiga iyo Taliyaasha Ciidanka Qalabka Sida ayaa horay u tegay Xerooyin ciidan oo ku yaalla Magaalooyinka Dhuusamareeb, Cadaado, Balanballe iyo Cabudwaaq.