Barcelona Oo Markale Camp Nou Ku Dubatay Athetlic Bilbao, Lionel Messi Oo Rekoodh Cusub U Dhigay Balaugrana Iyo Kooxda Enrique Oo Hal Dhibic U Soo Jirsatay Hogaanka La Ligaha.

0
1356
      Barcelona ayaa markale Camp Nou ku dubatay kooxda Atheltic Bilbao kulan ka tirsnaaa horyaalka La Ligaha oo ay kooxda Luis Enrique ku qabsanayd in ay guul gaadho si ay cadaadiska ugu sii hayn karto kooxda horyaalka Spain hogaaminaysa ee Real Madrid. Paco Alcacer, Lionel Messi iyo Aleix Vidal ayaa Barcelona ka caawiyay in ay si sahlan ku garaacdo kooxda Bilbao. Barcelona ayaa hal dhibic u soo jirsatay hogaanka La Ligaha iyada oo la kansalay kulankii Real  Madrid iyo Celta Vigo kadib dabaylo duufaano wato oo ka dhacay magaalada Vigo. Waqtiga la filayo in kulankan la ciyaari doono isla wararkeena soo socda ayaanu idiinku soo gudbin insha Allah.

 

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Barcelona: (4-3-3): Ter Stegen; Vidal, Pique, Umtiti, Mathieu; Rafinha, Andre Gomes, Turan; Messi, Alcacer, Neymar.

Kaydka:Alba, Cillessen, Roberto, Denis, Mascherano, Rakitic, Suarez.

Athletic Bilbao (4-2-3-1): Iraizoz; De Marcos, Yeray, Laporte, Balenziaga; San Jose, Iturraspe; Lekue, Raul Garcia, Muniain; Williams.

Kaydka:  Boveda, Benat, Eraso, Saborit, Remiro, Susaeta, Aduriz.

Tababare Luis Enrique ayaa sii wada in aanu laba kulan oo isku xiga ku wada ciyaarin shax isku mid ah wuxuuna kulankan nasiyay xidigo shaxdiisa muhiim ka ahaa oo ay ku jiraan Luis Suarez, Jordi Alba, Ivan Rakitic, Mascherano iyo Sergio Roberto, wuxuuna fursad siiyay xidighii aan ciyaarin kulankii Atletico Madrid ee Copa Del Rey inkasta oo Lionel Messi iyo Neymar JR ayka mid ahaayeen xidigaha booskooda sii xejistay.

DAQIIQADII 18 AAD GOOOOOOOOOOL! Barcelona ayaa heshay goolkeeda furitaanka ee ay culayska ku saartay kooxda martida u ahayd ee Atheltic Bilbao waxaana goolkiisii ugu horeeyay ee La Ligaha kooxdiisa Barcelona udhaliyay Paco Alcácer kaas oo kubbad caawin fiican ka helay Neymar JR balse sidoo kale Andre Gomes ayaa door fiican ka soo ciyaaray gookan waxayna natiijada ciyaartu noqotay 1:0 ay Barcelona hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

DAQIIQADII 40 AAD GOOOOOOOOOOOOOOL!  Lionel Andrés Messi ayaa Barcelona u keenay goolkeeda labaad ee ay dhibaatada ugu sii abuurtay Atheltic Bilbao kadib markii uu si qurux badan u soo tuuray kubbada laaga xorta ah oo qaladkeeda lagu galay Vidal oo kubbada kala soo xaroonayay dhinaca midig, wuxuuna xidiga ree Argentina si qurux badan u garaacay goolhayaha Bilbao ee Iraizoz kaas oo awoodi waayay inuu badbaadiyo kubbada ka dhalatay birta goolka qaybtii uu ka ilaalinayay wuxuuna si murugo leh ugu muuqday mid u baahan in uu dhulku liqo.

Ciyaarta ayaa noqotay 2:0 ay Barcelona hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay isla markaana uu Lionel Messi ku dhaliyay goolkisii 16 aad ee La Ligaha isaga oo barbareeyay saaxiibkiisa Barcelona ee Luis Suarez oo kulankan kursiga kaydka ku jiray.

Sidoo kale Lionel Messi ayaa kubbada laaga xorta ah ee uu dhaliyay ku dhigay rekoodh cusub wuxuuna noqoday xidigii abid goolasha ugu badan Barcelona ugu dhaliyay kubbadaha Free Kicks ka ah wuxuuna kala wareegay Ronald Koeman oo hadda Everton macalin u ah kaas oo 26 jeer Barcelona goolal ugu dhaliyay kubbado laaga xorta ah halka Messi uu dhaliyay goolkiisii 27 aad ee Barcelona oo uu ku dhaliyay laaga xorta ah.

Athletic Bilbao ayaa samaysay qaladaad shaqsi ah oo dilaa ku noqday kooxdeeda waxaana nooc kasta oo dhibaato ah ku abuuray Neymar  JR kaas oo dhamaadkii qaybtii h–e ugu dhawaaday in uu goolka saddexaad Barcelona udhaliyo laakiin kubbada uu si qurux badan ula soo dhaafay xidig badan oo Bilbao ah isla markaana uu u muuqay in uu goolkan dhaliyay ayay darbadiisu birta goolka waxyar u martay, waxaana lagu kala nastay 2:0 ay Barcelona hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta tababare Luis Enrique ayaa Gerard Piqué kooxdiisa ka reebay waqtigii nasashada taas oo abuurtay shaki ah in ay jugi soo gaadhay waxaana lagu soo badalay Mascherano halka sidoo kale Rahinha lagu badalay Rakitic oo kaydka fadhiyay.

Atheltic Bilbao ayaa doonaysay in ay ciyaarta dib ugu soo laabto oo ay marka h–e soo yarayso farqiga goolasha laga dhaliyay waxayna dagaal ugu jirtay sidii ay shabaqa Barcelona ku gaadhi lahayd laakiin kooxda Luis Enrique ayaa raadinaysay goolkeeda saddexaad si ay u aamusiiso iska caabinta Bilbao ku sii hadhay.

DAQIIQADII 64 AAD Luis Enrique ayaa ciyaarta ka saaray Lionel Messi si uu u nasiyo wuxuuna kaydka uga yeedhay Sergio Roberto waxaana markan la dareemayay in Enrique uu ka fikrayay kulanka lugta labaad ee Copa Del Rey ee Atletico Madrid iyo in Lionel Messi uu ubaahan yahay nasiib maadaama oo uu kulamo badan oo xidhiidh ah uu soo ciyaaray xili ciyaareedkan.

DAQIIQADII 67 AAD GOOOOOOOOOL! Barcelona ayaa heshay goolkeeda saddexaad ee ay dhulka ku dhigtay Athletic Bilbao waxaana goolkan kooxda Balaugrana u saxiixay xidiga saamaynta cusub la soo baxay isla markaana dhinac iskaga dhigay dhibtii haysatay ee Aleix Vidal waxayna ciyaartu noqotay 3:0 ay Barcelona ku dubanayso Bilbao oo ay xaaladu ku noqotay mid ayna xal u heli karin.

Barcelona ayaa iska lumisay fursado badan oo ay goolal kale kula iman kari lahayd iyada oo Paco Alcacer, Neymar JR iyo Ivan Rakitic ay heleen fursado cajiib ah oo ay culayska ugu sii kordhin kareen, waxaana Luis Enrique farxad u ahayd in iyada iyo Messi iyo Suarez ay garoonka ka maqan yihiin ay kooxdiisu sii ahayd kooxda gacanta sare lahayd.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3:0 ay Barcelona ku garaacday Atheltic Bilbao oo qaab ciyaareed aad u liita la kula soo shirtagtay Camp Nou halka Barcelona ay ahayd kooxda sida ay doontou maamulatay ciyaarta.  Barcelona ayaa hal dhibic u soo jirsatay Real Madrid inkasta oo ay farqi laba kulan ahi jiraan iyada oo kulankii Real Madrid iyo Celta Vigo la kalsalay kadib duufaano ka dhacay magaalada Vigo.