Musiibada Liverpool ee sanadkan 2017 ayaa halkeeda ka sii socta waxayna guuldaro xanuun badan kala soo laabtay kooxda heerka labaad ka baxsanaysa ee Hull City. Liverpool ayaa markale muujisay sida ay ugu liidato inay fursadaheeda goolal u badlali karto waxayna Hull City kala soo laabtay guuldaro ugu dhawaan soo gabagabaysay rajadii yarayd ee ay Reds ka qabtay koobka Premier leaque-ga.
SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:
Hull City XI (4-4-1-1): Jakupovic; Elabdellaoui, Ranocchia, Maguire, Robertson; Grosicki, Evandro, Huddlestone, Clucas; N’Diaye; Hernandez.
Kaydka: Marshall, Tymon, Meyler, Maloney, Niasse, Mbokani, Diomande.
Liverpool XI (4-3-3): Mignolet; Clyne, Matip, Lucas, Milner; Lallana, Henderson, Can; Mane, Firmino, Coutinho.
Kaydka:Karius, Gomez, Alexander-Arnold, Moreno, Wijnaldum, Sturridge, Origi.
Kooxda Hull City ayaa isbadal wayn samaysay tan iyo markii uu kooxdeeda la wareegay macalinka ree Portugal ee Marco Silva waxayna kulakan Liverpool la soo shirtageen qorshihii ay guusha ugaga gaadheen Manchester United kulankii Leaque Cupka isla markaana ay barbaraha Old Traffrod ugula soo galeen Red Devils kaas oo ah in ay si buuxda difaac ugu jiraan isla markaana ay weerar deg deg ah fursado ku raadiyaan.
Inkasta oo ay Liverpool ahayd kooxda inta ugu badan garoonka loo baneeyay ee kubbada inta ugu badan haysatay haddana waxa ay si dhab ah ugu fashilantay qaybtii h–e ee kulankan in ay halis badan galiso Hull City waxayna kooxda Klopp ku ciyaaraysay qaab heerkiisu aanu fiicnayn oo Hull City ka caawiyay in ay goob fiican kulankan ka joogto.
DAQIIQADII 44 AAD GOOOOOOOOOOL! Hull City ayaa Liverpool ku ciqaabtay fursadaha ay heli kartay ee ay ka faa’iidaysan wayday waxaana markale qalad xun sameeyay goolhaye Simon Mignolet kaas oo awoodi waayay in uu kubabda qabsado ama uu iska saaro kadib markii ay Hull City koorne soo tuuratay waxaana Mignolet la booday Ranocchia waxayna kubbad si naxariis leh ugu soo dhacday goobta uu Alfred N’Diaye taagnaa wuxuuna markiiba dhamaystiray goolka Liverpool wadno xanuunka ku noqday.
Hull City ayay fursad wayn u ahayd in ay goolkan la timaado si ay culayska u saarto Liverpool oo uu sanadkan 2017 musiibo ugu bilawday, waxayna qaybtii h–e ee ciyaartu ku dhamaatay 1:0 ay Hull City hogaanka kaga haysay kooxda martida ahayd ee Liverpool.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Liverpool soo laabtay iyada oo doonaysay in ay la timaado goolka barbaraha si ay ciyaarta dib ugu soo laabto wuxuuna Klopp kooxdiisa soo siiyay dardaarankii ugu danbeeyay si ay natiijada ciyaarta dhinaca kale ugu dhigi karaan.
DAQIIQADII 55 AAD Liverpool ayaa ugu dhawaatay in ay la timaado goolka barbaraha waxaana darbo madax dilaa ah goolka Hull City ku bartilmaameedsaday Sadio Mane kaas oo ka awood batay difaacii ilaalinayay laakiin goolhayaha Hull City ee Jakupovic ayaa sameeyay badbaadin layaableh si uu kooxdiisa uga badbaadiyo gool cadaan ahaa!!!!.
Liverpool ayaa kooxda ay martida u ahayd ee Hull City ku soo ururisay xerada ganaaxa kooxdeeda laakiin qaab difaacashada Hull City ayaa wali sii ahayd mid joogto ah halka dhamaystir xumada Liverpool ay halkeeda ka sii socotay.
DAQIIQADII 65 AAD Hull City ayaa weerar deg deg ah oo cajiib ah soo qaaday waxayna ugu dhawaatay in ay hesho goolkeeda labaad laakiin kubbada uu Hernandez si fool ka fool ah goolka Liverpool ugu soo baxay ayuu Mignolet iska badbaadiyay wuxuuna ahaan lahaa gool Liverpool dhigi lahaa boos aad u xun.
Laakiin Daqiiqadii 67 aad Mane iyo Coutinho ayaa markale Reds ka lumiyay fursado fiican oo ay ciyaarta ugu soo laaban karaan wuxuuna markan Klopp go’aansaday in uu shaxdiisa isbadal ku sameeyo wuxuuna ciyaarta ka saaray Emre Can isaga oo kaydka uga yeedhay Daniel Sturridge.
DAQIIQADII 84 AAD GOOOOOOOOOOOl! Hull City ayaa heshay goolkeeda labaad ee ay musiibada wayn ugu sii abuurtay kooxda qaabka tabcaanka ah u ciyaaraysay ee Liverpool waxaana gookan Reds ugu qubeeyay El-Hadji Oumar Niasse kaas oo Matip iyo Mignolet ku ceebeeyay kubbad uu soo tuuray Ranocchia waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Hull City hogaanka ciyaarta k udheeraysatay iyada oo lix daqiiqo oo kaliya ciyaarta ka hadhsan tahay.
DAQIIQADII 89 AAD Ma rumaysan kartid fursada uu goolhayaha Hull City ee Jakupovic uu ka badbaadiyay Henderson kaas oo darbo gool loo fishay oo gantaal ah ku tuuray goolka Hull laakiin Jakupovic ayaa sameeyay badbadin la mid ah kuwii uu sameeyay kulankii Old Traffrod wuxuuna goolhaye Jakupovic door wayn ku yeeshay soo noolaynta rajadii Hull City ee tababare Marco Silva.
Rekoodhka Marco Silva Ee garoonka kooxdiisa:
Hull 2-0 Liverpool
Hull 2-1 Man Utd
Hull 3-1 Bournemouth
Hull 3-0 Swansea
Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:0 ay Hull City ku soo dubatay kooxdii ay guuldarada 5:1 ah kala soo kulantay kulankii Anfield wuxuuna Marco Silva u muuqdaa tababarihii Hull City ka badbaadin lahaa in ay u laabto heerka labad, laakiin guuldarada ayaa shaki wayn sii galisay haddiiba Liverpool ay afarta ugu sareeya ku dhamaysan karto.