Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ahna Xarunta Maamulka Galmudug waxaa Maanta gaaray wafdiga ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.
Wafdiga oo ka ambabaxay Magalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah Taliyaha Ciidamada xoogga dalka, Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe), Taliyaha Ciidanka Booliska, Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) iyo taliyaha Ciidanka Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), waxana garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Xubno uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.
U jeedka ay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ay Maanta u tageen dhuusamareeb ayaa lagu sheegay sidii ay ula wareegi lahaayeen Ciidamada Ahlusunna ee ku sugan gobolka Galgaduud,isal markaana Ciidamadaas looga dhigi lahaa kuwa qarameysan oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Wafdiga ayaa waxaa ay la kulmi doonaan Madaxda Ahlusunna iyo Saraakiisha Ciidamada, iyaga oo booqan doona xerooyinka ay ku jiraan Ciidamada kala duwan ee Ahlusunna si loogu wareejiyo Ciidamadaas, kadib markii Ahlsunna aqbaleen in hay’adaha Amniga dowaldda Federaalka ka howlgallaan Magalada dhuusamareeb.
Waa markii labaad oo Ahlsunna ay Ciidamo ku wareejiso dowladda Soomaaliya,waxaana sanadkii 2013 xilligii dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku wareejiyeen ciidamo farabadan, kadib munaasabad ka dhacday Magalada Dhuusamareeb oo uu goobjoog ka ahaa Abaandulihii hore Ciidanka xoogga dalka Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi,waxana Ciidanka xoogga dalka ahaa xilligaas Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe).