Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Wakiilka IGAD ee Somalia

0
576

Madaxweynaha  Maamulka  Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf iyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan arimaha Soomaaliya Maxamed Guyo ayaa manta ku kulmay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo Wakiilka IGAD u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa kawada hadlay xaalada Galmudug

Madaxweynaha ayaa uga warbixiyay Wakiilka Galmudug marxalada ay hada ku sugantahay iyo waxyaabaha u qabsoomay Mudada uu joogo

waxa uu sheegay in Guulo badan la gaaray oo ay ugu horeyso nabada.

Wakiilka ayaa bogaadiyay dadaalada uu sameeyay Madaxweynaha Galmudug iyo Horumarka uu Gaarsiiyay Galmudug iyo sida uu u balaariyay Maamulkiisa oo uu kusoo daray Maamulkii Ahlus-suna.

Waxa uu balan qaaday in ay kala shaqeyn doonaan arimaha dib u hishiinta ee uu Madaxweynuhu ku dhawaaqay si dhawna kala shaqeyn doonaan sidii Galmudug loo hormarin lahaa.