Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan waxaa Maanta shir ku yeeshay Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka oo uu qeyb ka yahay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, iyaga oo ka hadlay dagaal beeleedyada kasoo cusboonaday deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.
Xubnaha Xildhibaanada ayaa waxaa ay dalbaday in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeledka kasoo cusboonaaday deegaanada hoostaga degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan,isla markaana wax walba miiska hadalka lagu dhameeyo.
Sidoo kale Xildhibaanada iyo Wasiirka Waxbarashada ayaa Odayaasha Dhaqanka ee Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud inay u istaagaan nabadeynta labada beelood,isla markaana ay tagaan Goobaha lagu dagaalamayo.
Shalay iyo Maanta ayaa waxaa dagaal beeleedyo ay ka dhaceen deegaanada Hees ilguule oo hoostaga degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee Gobolka hiiraan,waxaana dagaaladaas ku geeriyooday in ka badan 15 ruux oo u badan maleeshiyaadkii dagaalamay.