Siyaasiyiin ka hadlay qodobadii ay ku heshiiyeen RW Kheyre & Madaxweyne Xaaf

0
550

Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaa hehsiis ka kooban Shan qodob ku kala saxiixday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle,waxaana heshiiskaas oo dhaweeyay inta badan Siyaasiyinta kazoo jeeda deegaanada Galmudug.

Siyaasiga Cabdi Kariin Xuseen Guuleed marna soo noqday Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa sheegay in uu bogaadinayo heshiiskaas,hayeeshee uu dalbaday in Ahlusunna ay qeyb ka noqoto heshiiskaas isfaham.

“Waxaa bogaadin mudan ififaalaha dib u heshiisiineed ee ka socda Galmudug iyo is fahamka ay gaareen dowladda dhexe iyo maamulkaas ee ku aadan sidii dib u dhis iyo dib u heshiiseen loogu heli lahaa Galmudug, waxaana labada dhinac ku boorin lahaa in loo guntado sidii loo heli lahaa maamulka Alhusuna ee fadhigiisu yahay Caasimadda Dhuusamateeb si loo gaaro dhime maamul dhameystiran ayuu yiri Mudane Guuleed.

Sidoo kale Maamulka Ahlusunna ee ku biiray Galmudug ayaa waxaa uu ugu abaqay in dhankooda ay garwaaqsadaan in midnimo iyo wadajir kali ah lagu gaari karo Galmudug qurxoon oo horumarsan,isla markaana Dhuusamareeb lagu Shaqeyn karo