Eey loo dilay kadib markii uu qaniinay wiil uu dhalay Madaxweyne

0
877

Dalka Gambia ayaa lagu diley Eey la sheegay inuu qaniinay wiil uu dhalay Madaxweynaha cusub ee dalka Gambia Adama Barrow sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin u hadashay dowlada Gambia.

 

Habibu Barrow oo ah siddeed sano jir ayaa u dhintey bishii aynu ka soo gudubnay qaniinyada eey joogay guri ay leedahay eedadii meel ku dhow magaalada caasimada ah ee Banjul.

Wiilkan ayaa dhintey xilli uu aabihii oo noqday Madaxweynaha dalka Gambia Mr Barrow uu ku sugnaa dalka Senegal isagoo ka cararay cabsi uu ka qabay Madaxweynihii hore ee dalka Gambia Yahye Jama.

Wararka ayaa sheegaya in Habibu oo ka mid ah shan carruur ah oo uu dhalay Madaxweynaha cusub ee Gambia uu dhintey iyadoo baaritaan lagu sameeyay eeygana la sheegay inuusan qabin cudurka ku dhaca eeyaha ee loo yaqaan Raabiyada,

Hase yeeshee Talaadadii aynu ka soo gudubnay ayay mas’uuliyiinta dalka Gambia go’aamiyeen in la dilo eeygaa iyadoo laga cabsi qabo inuu dhibaatooyin kale geysto.

Guryaha ay leeyihiin dadka ladan ee dalka Gambia ayaa waxaa ilaalo ka ah eeyo iyadoo eeyahaasna ay yihiin kuwo la baaro caafimaadkooda marwalba.