Xildhibaanada labadda Aqal oo War kasoo saaray dadkii lagu dilay Gaalkacyo

0
627

Xildhibaanada labadda Gole ee baarlamaanka Soomaaliya ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa codsaday in si deg deg ah baaritaano loogu sameeyo dadkii lagu dilay Magaalada Gaalkacyo.

Xildhibaanada labadda Aqal ayaa sheegay in falkaasi u ahaa Mid si weyn looga naxay, islamarkaana loo baahan yahay in maamulka Galmudug in ay gacanta kusoo dhiggaan Kooxihii ka dambeeyay dilka.

Waxaa ay sidoo kale tilmaameen in loo baahan yahay baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo dadkaasi oo ay dileen Maleeshiyo hubeysan oo ka careysan Sarkaal xalay lagu dilay Gaalkacyo.

Saraakiisha Ciidanka Galmudug ee Gaalkacyo ayaa Risaala u sheegay in dilka dadkaasi uu yimid ka dib markii Kooxo hubeysan ay Magaalada Gaalkacyo ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabad suggida Galmudug, islamarkaana dadka degaanka ay ceyradeen labo ka mid ah Kooxihi dilka geystay ka dibna gurigii ay galeen laga soo saaray 10 ruux ayna dileen 9 ka mid ah Koox degaanka ah oo ka careysan dilka Sarkaalka Nabad suggida ka tirsanaa.