Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay qaybinta imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada siddeedaad ee dugsiyada dhexe iyo kuwa Afraad ee dugsiyada sare oo si rasmi ah maanta uga bilaabmay guud ahaanba Somaliland.
Imtixaankan oo ay u fadhiisteen arday tiradoodu gaadhayso 30,000 (soddon kun) oo arday, ayuu madaxweynuhu ka daah-furay dugsiga Sheekh Cali Ibraahim ee bartamaha caasimadda Hargeysa ah dugsigii kasoo baxay 53 sano ka hor, waxana uu Ardayda Imtixaanka gelaysa, bahda waxbarashada iyo cid kasta oo imtixaanka gacanta ku haysaba kula dardaarmay inay u hoggaansamaan shuruucda Imtixaanka oo uu tilmaamay inuu qaranku geliyey waqti badan iyo tamarba.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu Ardayda la wadaagay xadantada uu imtixaanku leeyahay iyo culayskiisa, isaga oo la wadaagay dareenkiisii ardaynimo xilligii uu heerkan taagnaa oo ay kasoo wareegtay in ka badan nus-qarni, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maanta halkan waxaan u imi laba qodob mid waa Hambalyadiina midna waxaan u dabaal degayaa sannad guuradii kasoo wareegtay maalintii Imtixaanka shaahaadiga ah ee dhexe aan u fadhiistay 53 oo ahayd 1966-kii subaxdan oo kale aan sidiinaa u wararsanaa oo aanan soo quraacan oo aanan habeenkii seexan.