Kenya oo sheegtay in Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab ku dhinteen qarax ay dhigayeen

0
611

Saraakiisha Ciidanka Kenya ee Gobolka Lamu ayaa sheegay in Afar ka mid ahaa Ururka Al-Shabaab ay ku dhinteen qarax , markii ay la kacday Miino ay iyagu aasayeen Shalay.

Guddoomiyaha Gobolka Lamu, ahna madaxa howlgalka Keymaha Boni, Joseph Kanyiri  ayaa sheegay in Saddex ka mid ahaa Al-Shabaab ay isla goobta ku dhintay, halka Ninka Afaraadna meydkiisa laga helay Keyn wax yar un u jirta halka uu Qaraxu ka dhacay, isagoo isku dayay in uu baxsado.

Qaraxa oo ka dhacay meel u dhow Omollo Bridge, oo ka tirsan Gobolka Xeebta ee Lamu, ayay Al-Shabaab doonayeen in ay la eegtaan Dadka iyo Gaadiidka halkaasi isticmaalaya.

Ciidanka Kenya ayaa goobta uu qaraxu ka dhacay waxay ka heleen, qaar ka mid ah saanaddii Millateri ee ay wateen Al-Shabaab, Qasnadaha rasaasta, qoraallo iyo qalab kale.