Jabhad uu hoggaaminayay Boqor Buurmadow oo ku biiray Puntland

0
618

Wararka ka imaanaya  gobolka Sanaag ayaa sheegaya  in jabhad uu hoggaaminayay Boqor Buurmadow ay ka soo goosteen Soomaaliland, islamarkaana ay ku biireen Maamulka Puntland.

Ciidamada uu wato Boqor Buurmadow ayaa la sheegay in maal mahan ay tababar ku qaadanayeen deegaanka Garabcad oo ka tirsan degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.

Dadka magaalada Xiingalool ee gobolka Sanaag ayaa warbaahinta u sheegay in jabhadda hubaysan oo taageersan boqor Buurmadow ay haatan ku sugan yihiin nawaaxiga deegaanka Xiingalool kadib markii ay ogolaansho ka heleen odoyaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiinta Puntland ee ku sugan deegaankaasi.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Somaliland Maxamed Axmed Caalim oo warbaahinta Hargeysa kula hadlay ayaa xaqiijiyay jiritaanka ciidamada jabhadda ee u goostay dhanka Maamulka Puntland.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa isasa soo tarayay ciidamada ka soo goosanaya Soomaaliland.