Golaha Wasiirada iyo Guddiga Abaaraha Qaran oo ku kulmay Magaalada Muqdisho

0
650

Kulankaan oo uu Shir Guddoominayay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayna  ka soo qeyb galeen Xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada islamarkaana lagu marti qaaday Guddiga Qaran ee Abaaraha iyo Taliyayaasha Ciidamada dalka ayaa looga hadlay Arrimaha Ammaanka iyo xaaladaha Abaaro ee ka jira dalka.

Xukuumadda ayaa ballan qaaday Lacagtii ugu badneed ee loogu deeqo Guddiga Abaaraha oo ay ka mid tahay lacag dhan  1 Million dollar oo ka hartay  Doorashadii Musharrixiinta Guddoonka Sare ee Baarlamaanka.

Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ahna Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha Qaran ayaa sheegay in Xafiisyada Seddexda Masuul ee ugu sarreysa dalka iyo  ilaha dhaqaalaha dalka sida Dekedda iyo Bank-ga Dhexe ay ku qoreen lacago loogu tala galay in ay uga qeyb qaataan Samata bixinta dadka ay abaaraha saameeyeen.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mr Carte ayaa shaaca ka qaaday in kulanka ay iskula soo qaadeen dhacdadii maanta ka dhacday Muqdisho gaar ahaan Hoteel Dayax isagoo alle uga baryay dadkii ku geeriyooday Naxariistii Janno in Eebe uu ka waraabiyo kuwa ku dhaawacmayna u rajeeyay Caafimaad deg deg ah.

Dhinaca kale Mr Maxamed Cumar Carte ayaa tilmaamay in Guddi Farsamo oo ay Magacaabeen ay tagi doonaan deegaanada ugu daran ee Abaaraha ay aafeeyeen kuwaas oo si deg deg ah ula gaari doonaan gargaar Beni’aadanimo horraanta todobaadka soo socda.

Kulankaan ayaa ahaa mid deg deg ah oo uu soo qaban qaabiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.