Meelo ka mid ah Soomaaliya oo Maanta laga sooman yahay

0
631

Iyada oo Maanta ay ku beegantahay Maalinta 1-aad ee Ciidul Fitriga,isla markaana Ummadda Muslimiinta ah ay wada ciidayaan ayaa waxaa jira deegaano ka mid ah Soomaaliya oo Maanta laga sooman yahay.

Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaanada Maamulka Galmudug oo ay gacanta ku hayaan Ahlusunna ee ku biiray Galmudug aan maanta laga ciideyn,isla markaana laga sooman yahay.

Wariyeyaal ku sugan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegeen in Magaalooyinka Dhuusamareeb, Gurigceel iyo tuulooyin farabadan oo ka tirsan Gobolka Galgaduud aan laga ciideyn,isla markaana ay dhameystirayaan 30-Bisha Ramadaan.

Saanadka kasta marka ay curado Bisha Ramadaan ayaa deegaanada Galmudug oo ay maamulaan Ahlusunna waxaa ay hal maalin ka dambeeyaan Gobolada kale ee Soomaaliya si la mid ah Maalmaha kale ee Maalinta 1aad ee Ciida ay iyana sooman yihiin.