waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay Doorashadii Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Labadiisa Kuxigeen oo Maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho.
Mowliid Xuseen Guhaad oo helay 28 Cod ayaa ku Guuleystay Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Aqalka Sare, wuxuuna ka adkaaday C/kaafi Macalin Xasan oo helay 24 Cod.
Sidoo kale Maanta waxaa la doortay Abshir Maxamed Axmed Abshir Bukhaari oo noqday Guddoomiye Kuxigeenka Kowaad ee Aqalka Sare,iyadoo sidoo kale la doortay Guddoomiyaha Aqalka Sare loona doortay Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi oo ah Nin Oday ah oo si weyn looga yaqaano Soomaaliya.