Ciidanka Daraawiishta iyo Nabad sugida maamulka Galmudug ayaa waxaa ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan saakay ka wadaan degaanka Bulacle ee gobolka Galgaduud, halkaas oo maalma ka hor ay tageen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Ciidanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dib uga baxeen degaankaasi ka hor inta aysan soo gaarin Ciidanka maamulka Galmudug.
Taliyaha Ciidanka Nabad suggida Galmudug Cabdullaahi Cabdi Raage ayaa sheegay in Al-Shabaab degaankaasi uga carreen Saanad Ciidan, islamarkaana dhawaan ay soo bandhigi doonaan.
Waxaa uu ugu baaqay dadka kunool degaanka Bulacle in aysan soo dhaweyn Al-Shabaab, islamarkaana ay la shaqeeyaan ciidanka maamulka Galmudug.
Al-Shabaab ayaa shalay tagay degaankaasi, waxaana ay la hadleen dadka degaanka ka dibna waxa ay ka baxeen halkaasi markii ay soo gaareen Ciidanka Galmudug.