Magaalada Godinlabe Ee Gobolka Galgaduud ayaa Xalay Waxaa Kudagaalamay Kooxo Hubaysan Oo Donayay in ay Xoog Kula Wareeegaan Kontrolka Magaalada iyo Ciidamada Maamulka Galmudug.
Labada Dhinac ayaa Isku Adeegsaday Hubka Noocyadiisa Kaladuwan Sida ay Radio Caddado u Xaqiijiyeen maamulka Magaalada Godinlabe.
Inkasta oo Aysan Jirin Qasaare Kadhashay Dagaalka Labada Dhinac Dhexmaray Oo Mudo Saacad ah Socday Waxa uu Argagax Kureebay Dadka Deegaanka.
Gudoomiye Kuxigeenka Magaalada Godinlabe Cabdi Salaan Axmed Mire Oo Waraysi Siinayay Radio Caddado ayaa Waxa uu shegay in Dagaalkan uu Saamayn Xoogan Kuyeeshay Degaanka .
Dhanka Kale Cabdi Salaan Axmed Mire Gudoomiye Kuxigeenka Magaalada Godinlabe Waxa uu Eedayn Kulul Kala Duldhacay Odayaasha Maamulka Magaalada Caddado Oo ay Godinlabe Hoostagto Waxa uuna Sheegay in Falkaan Laga soo abaabulay Caddado islamarkaana Loogu Talagalay in Shacabka Reer Godinlabe Lagu Argagax Galiyo.
Marka Laga Sootago Eedaynta Gudoomiye Kuxigeenka Godinlabe uu ujeediyay Maamulka Degmada Caddado Majiraan ilo Kamadaxbanaan Oo Xaqiijinaya in Falalka Amni Daro Ee Kadhaca Godinlabe ay Lug kuleeyihiin Amaba Kadanbeeyaan Maamulka Degmada Caddado Ee uu Hogaamiyo Gudoomiye C/llahi C/raxmaan Tootoole.