Suudaan oo albaabada u laabtay xafiiskii Al Jazeera

0
701

Dowladda Suudaan ayaa ruqsaddii shaqada kala laabatay shaqaalihii u shaqaynayay Telefashinka Caanka ah ee Al Jazeera ee laga leeyahay dalka Qadar, waxayna albaabada u laabtay Xafiiskii Al-Jaseera ee ku yaallay Khartuum.

Al Jaziira ayaa si joogto ah u baahin jirtay muuqaallada dibad baxayaasha Suudaan.

Ma jirto wax sabab ah oo naloo sheegay oo ku aadan xiritaanka Xafiiska ayaa lagu yiri War kasoo baxay Al Jazeera.

Xiritaankan ayaa yimid ka dib markii madaxa golaha milatariga Cabdelfatax al-Burhan uu u safray Sacuudiga Khamiistii, isaga oo ka qaybgalaya shir halkaas ka dhacaya.