Ciidamada Isra’il oo Maanta dilay 2-Falastiiniyiin ah

0
733

Ciidamada Isra’il ayaa toogtay rux aan qaangaar aheyn oo doonayey in uu galo dhulka la heysto ee Bariga magaalada Jurusalaam,si uu uga qeybgalo tukashada salaadda Jimcaha ee Masjdka al-Aqsa .

Qofka labaad ayaa la sheegay in lagu dilay Qeybta qadiimiga ah ee Jurusalam ka dib markii la tilmaamay in uu midi ku weeraray askar Yahuud ah,waxaana uu dhaawacay laba Askari.

Wakaaladda Wararka ee Falastiin WAFA ,ayaa xustay in wiilka la dilay uu ahaa 16 sano jir lagu magacaabo C/laahi Galiith, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Caafimaadaka Falastiin.

Ciidamada Boliiska Isra’il ayaa sheegay in wiilkaasi la dilay uu ka yimid  deegaanka Bethlehem ,isla markaana uu isku dayey in uu u soo tallaabo Jerusalem,waxayna ciidamadu intaa raaciyeen in ay socdaan baaritaanno ku aadan qaabkii loo dilay wiilkaasi.