Rag hubeysan ayaa la sheegay in Xaafada Kacaan oo ka mid ah Waaxyaha degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir gaar ahaan Kpp ay Maanta ku dileen Wiil Dhalinyaro ah.
Wiilka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cabdala Maxamed Maaxi ayaa xilliga la dilayay waxa uu kasoo baxay Masaajid uu kusoo dukaday salaadii Jimcaha sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Dadkii ka dambeeyay dilka Wiilkaas Dhalinyarada ahaa ayaa goobta ka baxsaday,waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya wallow aysan ku guuleysan inay qabtaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.
Alle ha u naxariistee Cabdala Maxamed Maaxi ayaa ka mid ahaa dhalinyarada ku nool degmada afgooye,balse Muqdisho u yimid waxbarasho,waxana weli la ogeyn dadkii ka dambeeyay dilkiisa iyo sababta loo dilay.
Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal loo geysto askarta dowladda iyo dadka xiriirka la leh,waxaana dilalkaas inta badan sheegta Ururka Al-Shabaab.