Antonio Guterres Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay ayaa u magacaabay James Swan oo ah diblumaasi Mareykan ah ergeygiisa gaarka ah ee Soomaaliya ka dib markii dowladda Soomaaliya ay ceyrisay wakiilkii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mudda hadda laga jooggo ku dhawaad 6 Bilood.
James Swan ayaa badali doona Nicholas Heysom oo dawladda Soomaaliya dalka erisay ka dib markii uu su’aalo ka keenay dad rayid ah oo lagu dilay magaalada Baydhabo intii lagu jiray doorashadii maamulka Koonfur Galbeed.
James Swan waxaa uu ka mid ahaa Safiiradda Mareykanka, kuwooda sidda aad ah uga shaqeeyay Qaaradda Afrika, waana ruug Caddaa dhanka Diplomaasiyadda ah.
James Christopher Swan waxaa uu ku dhashay December 10, 1963 Magaalada Washington DC.
Waa diblomaasi Maraykan ah iyo Sarkaal Sare ee Adeegga Dibadda. Laga soo bilaabo Oktoobar 2008 ilaa June 2011, wuxuu ahaa Safiirka Mareykanka ee Jabuuti.
Bishii Agoosto 2013, waxaa loo magacaabay Safiirka Maraykanka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.
Waxaa uu ka qaatay B.Sc. shahaadada Jaamacadda Georgetown ee Dugsiga Arrimaha Dibadda waxaa uu Daraasaadka Caalamiga ah ka diyaariyay Jaamacadda Johns Hopkins University.
James Christopher Swan waxaa uu sido kale Daraasaadka Ammaanka Qaranka ka bartay Jamacadda Qaranka waxaana uu qalin jabiyay 2005.