Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha dhexe ayaa sheegaya in Caawa Qarax Bam lagu dilay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Shabellaha Dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye .
Wararka ayaa intaa ku daraya in Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Shabellaha Dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye uu ku dhintay Bam Gacmeed Caawa lagu Weeraray Guri uu ka Degen yahay Magaalada Jowhar islamarkaana ku yaala Xarunta Booliska.
Ciidamada Ammaanka ayaa Hadda Baaritaano ka wada Magaalada Jowhar ee Xarunta Sh/dhexe