Galmudug oo joojisay Wada-Shaqeynta Dowladda Federaalka (War-Saxaafadeed)

0
572

War-Saxaafadeed kazoo baxay Madaxtooyada Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa waxaa eedeyn loogu jeediyay Madaxda Dowladda federalka Soomaaliya.

War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay wado fiukirka madhaleysnimada,isla markaana ay ku tumatay Sharciga iyo Dastuurka dalka.

Ugu dambeyn Maamulka Galmudug ayaa sheegay in uu joojiyay wadashaqeynta dowladda Federaalka,iyada oo la sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya wixii khalalaaso ah ee ka dhaca Galmudug ay Mas’uul ka yihiin Madaxda Dowladda Federaalka.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka kasoo baxay Madaxda Galmudug.