Dagaalkaan ayaa Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya,waxaa uu Barqanimadii Maanta ku dhexmaray Xaafada Xoosh ee degmada Dharkeenleey ee Gobolkan Banaadir.
Ciidamada ayaa ka wada tirsan kuwa Millateriga soomaaliya,waxaana dadka degan Xaafadaas ay xaqiijiyeen in dagaalka uu ka dambeeyay,kadib markii Xarun ay Ciidamo Millateri ah ku leeyihiin Xaafadaas ay soo weerareen Ciidamo kale oo watay Gaari Soomaalida u taqaano Cabdi bilaha.
Inta la xaqiijiyey dagaalkaas ayaa waxaa ku geeriyooday hal askari halka tira kale ay ku dhaawacmeen,waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Ciidamada ay kala wateen sarkaal lagu Magacaabo Liibaan Madaxweyne oo ka tirsan guutada Saddexaad ee Millateriga Soomaaliya. iyo mid kale oo Magaciisa lagu soo koobay Ziidii.
Ilaa iyo hadda lama oga waxa sababay dagaalkooda,waxaana dadka ku nool Xaafada Xoosh ee degmada Dharkeenleey ay sheegeen inay cabsi xoogan soo wajahday,isla markaana qeyb ka mid ah Ciidamadii dagaalamay ay weli Xaafada ku sugan yihiin.