Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay degmada Afmadow ee Gobolkaasi ay ku dagaalameen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbland oo dhinac ah iyo Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerarku qaadeen saldhig Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin degmadaas Afmadow,waxaana goobjoogayayaal ay sheegeen in dagaal culus uu halkaasi ka dhacay
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab,hayeeshee weli aan la ogeyn khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray dagaalkaas.
Wararka Idaacadda risaala ay heleyso ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalkaas Ciidamada Dowladda uu kaga geeriyooday hal askari,balse dhinaca Al-Shabaab khasaaraha kasoo gaaray aan weli wax faah faahin ah lag bixin.
Wararkii u dambeeyey ee haatan naga soo gaaraya degmada afmadow ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan, iyaga oo isku fidiyey deegaano kale oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.