DEG DEG: Qarax lagu fashiliyay Kismaayo

0
631

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidanka Ilaaladda Musharax Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig ay fashiliyeen Qarax Miino.

Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal Qaraxa ayaa la dhigay meel u dhow guriga xildhibaanka uu ka degan yahay Magaalada Kismaayo.

Ciidanka Ilaaladda xildhibaanka ayaa la sheegay in dadka degaanka ay kuso wargaliyeen in Qarax la dhigay dhabarka dambe ee guriga xildhibaanka.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimadda maamulka Jubbaland.