SAWIRO:-Xalinta maleesshiyo beeleed ku dagaalamay gobolka Mudug oo bilaawday

0
683

Maalintii talaadada aheyd ee todobaadkaan ayaa waxaa dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed waxa uu ka dhacay deegaanka taaroge oo ka tirsan Degmada Galdogab Ee Gobolka mudug,kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Maleeshiyaadka dagaalamay oo kasoo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa dagaalkooda waxa uu sababay dhimashada hal Ruux iyo dhaawaca tiro kale,waxaana haatan bilaawday shirar iyo wadahadallo lagu xalinaayo dagaalkaas.

Mas’uuliyiin ka kala socda Maamulada labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland, Odayaasha Dhaqanka iyo Dhalinyarada Gobolka Mudug ayaa waxaa ay tageen deegaankii lagu dagaalamay ee taaroge,iyaga oo halkaasi ka bilaabay shirar la isugu keenayo waxgaradka labada dhinac si heshiis loo gaaro.

Dad ka qeyb galay kulamadaas ayaa Risaala waxa ay u sheegeen in kulamada dhacay ay ahaayeen kuwo hordhac ah,hayeeshee Maalinta Axada ah uu furmi doono shirweyne lagu dhex dhexaadinayo maleeshiyaadka dagaalamay,isla markaana xaaladu ay haatan meel wanaagsan mareyso.