Madaxweynaha Jubbland oo Maalintii labaad Abaabul dagaal ka wada G/Jubbada Hoose

0
674

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo maalinkii labaad booqasho kula jooga Ciidamada ku sugan jiida hore ayaa amaanay dadaalka ay ugu jiraan sidii xasilooni iyo nabad ay uga hirgalin lahayeen guud ahaan Jubbaland.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in qaar badan oo kamid ah Ciidamada ay hayaan shaqo adag oo ay ku badbaadinayaan dadka Soomaaliyeed kagana difaacayaan Al-Shabaab, iyadoo waliba duruufahu ay adag yihiin wuxuu intaas ku daray in dadaalkoodu uu laf dhabar u yahay soo celinta nabadgalyada guud ahaan dalka.

Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa xooga dalka ee ku sugan Baarsanguuni iyo Buulogaduud ayuu Madaxweynahu khudbad u jeediyay isagoo xusay in ay yihiin geesiyo aan cadowga ka gaban.

Madaxweynaha ayaa sheegay in iyadoo lagu jiro bisha Ramadaan Argagixisadu ay daadinayaan dhiiga

Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland ayaa xalay la baryay Ciidamada Jubbaland iyo kuwa xooga dalka ee ku sugan furimaha hore ee waqooyiga gobolka Jubbada Hoose isagoo sheegay in howlgalada hada la qorsheeyay ay bilaabanayaan wakhti dhow.