Madaxweynaha Burundi oo ku hanjabay inuu ciidamadiisa kala baxayo dalka Soomaaliya

0
840

Dowladda Burundi ayaa ku hanjabtay in ciidamo ka tirsan kuwa ka jooga Soomaaliya ay kala baxeyso howlgalka Midowga Africa AMISOM ee ka socdo dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa sheegay in 5,500 oo ka mid ah askarta AMISOM ee ka socoto dalkiisa inuu kala baxayo dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha wuxuu cadeeyay in sababta ciidamooda uga saarayaan Soomaaliya ay tahay inaysan helin mushaarkooda iyo gunooyin ay lahaayeen dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

Ururka Midowga Africa ayuu ku eedeeyay inay ka gaabsadeen bixinta mushaaraadka ciidamada dowladda Burundi usoo dirtay dalka Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Dhinaca kale madaxweynaha Burundi ayaa sheegay in ciidamadiisa ay la kulmaan dhibaatooyin joogto ah, sida weeraro kaga yimaada Al-shabaab iyo mushaar la’aan.

Wuxuu ku hanjabay in ciidamadiisa uu kala bixi doono Soomaaliya haddii mushaarkooda aan si deg deg ah loo bixin, sida uu sheegay.

Ugu dambeyntii wuxuu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in khilaafka u dhaxeeya dowladda Burundi iyo  Midowga Yurub  uusan saameyn ciidanka ka jooga Soomaaliya.