Wararka naga soo gaaraya deegaanka Diif ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda Kenya, kuwa Jubbaland oo dhinaca ah iyo sidoo kale xubno Ka tirsan Al-Shabaab.
Dagaalkaan ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsanĀ Al Shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen Saldhiga ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin Deegaankaasi.
Al-Shabaab ayaa warar ay ku daabaceen Baraha ay ku leeyihiin Intertnet-ka waxa ay ku shegeen inay la wareegeen deegaanka DIIF oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya iyo kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen inay hub farabadan ka qaateen Saldhigyadii ay la wareegeen ee deegaanka DIIF,hayeeshee majiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab .
Inta badna deegaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya ayaa waxaa mararka qaar weeraro ku qaada Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM.