Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo galabta maqribkii ka bilowday degmada Afgooye, kaasoo illaa caawa fiidkii soo gaaray, waxaana la soo sheegayaa inuu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka ayaa ka dmabeeyay markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u soo galeen qeybo ka mid ah degmada, iyagoo muddo saacad ka badan dagaal fool ka fool uu dhex marayay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Al-Shabaab ayaa ka soo weeraray dhanka koofureed ee degmada Afgooye, gaar ahaan dhinaca deegaanka Mareerey oo ay ku sugan yihiin.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Najax ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii ay ku soo qaadeen Al-Shabaab, ayna ka dileen tiro dagaalyahan, waxaa uu tilmaamay in labo ka mid ah meydadka raggii ay dileen uu yaalo halkii lagu dagaalamayay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in xaalada ay degan tahay, isla markaana ay ciidamada ammaanka gacanta ku hayaan sida uu yiri.
Ciidamo ka tirsan dowladda oo gurmad ahaan uga baxay Muqdisho ayaa caawa fiidkii gaaray degmada Afgooye.
Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegtay inay gudaha u gashay oo ay weerartay saldhigyo ciidamada dowladda ku lahaayeen degmadaas.
Afgooye waxay u jirtaa magaalada Muqdisho ka xigtaa 30KM dhanka waqooyi galbeed, sanadkii 2012 ayaa Al-Shabaab laga saaray.
Waa markii labaad oo Al-Shabaab ay weerar ku qaadaan Afgooye, bishii October ayay aheyd markii weerar isugu jiray is qarxin iyo dagaal toos ku soo qaadeen, kaasoo lagu dilay askar iyo saraakiil ciidan.