Ciidanka Guutada 14-ka Oktoobar ee Xoogga Dalka ayaa Howlgalo qorsheysan ka fuliyay Wadada isku xirta Magaalada Marko, Nambar 50, Laanta Buure iyo Muure oo aan lamarin mudo kudhow 7sano.
Howlgalkan ayaa ujeedkiisa ahaa furitaanka Wadadaasi oo Al-shabaab ay ku aaseen Miinooyi,isla markaana mararka qaar ay weeraro ka fulin jireen,sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka..
Inta uu Howlgalka socday ayaa waxaa lagu soo saaray dhowr Miino oo oo wadada lagu aasay,si aysan waxyeelo ugu geysan Shacabka wadadaasi ku socdaalaya.
Taliyaha Guutada 14 Oktoobar Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdi Cali Axmed (Gaashaan) oo howlgalka horkacayay ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in Wadada isku xirta Marko, Afgooye ilaa Muqdisho ay Howlgalo ay kasameeyeen ku guuleysteen haatana nadiif ay tahay islamarkaasna shacabka Soomaaliyeed ay si Nabad ah ugu safri karaan