Hal ruux ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay mid kalena uu ku dhaawacmay ka dib markii gaariga nooca Raaxadda ah uu jiiray goobo Ganacsi oo ku yaalla Isgoyska Lambar 4 ee Magaalada Muqdisho. Shilka ayaa ka dhacay Agagaarka xarunta Jaamacadda City, waxaana gaarigaasi la sheegay in uu bareegga goostay, islamarkaana darawelkii waday uu ku guuldareystay in uu xakameeyo. Ciidanka booliska ayaa soo gaaray goobta uu shilku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka qaadeen dhaawaca iyo meydka dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Shilkaasi. Qofka dhintay ayaa ka mid ahaa Ardayda Jaamacadda City, waxaana lagu magacaabi jiray Cadnaan. Gaariga ayaa la sheegay in uu ku socday si xowli ah, islamarkaana uu hal mar si xoog ah kusoo kala wareegay oo uu jiiray goobaha ganacsiga.

0
627

Shirka Wada-tashiga Madaxda dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda ayaa habeenkii 5-aad Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ka socda.

Madaxda oo gudanaaya waajibaadkooda shaqo ee dastuuriga ah ayaa ka tashanaya sidii looga midhadhalinlahaa wadaxaajoodka 5-tii maalmood ee u dambeeyey Puntland uga socdey.

Shirkan wada-tashiga ah ayaan la nooc ahayn kuwii hore ee ay yeelanjireen Madaxda Soomaaliyeed, Xukuumadda cusub ee Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa cadayn u ah Wadiiqada ay u jeexday shirkani muhiim ka ah.

Ilo Wareedyo ku sugan Magaalada Garowe ayaa xaqiijiyay in qodobada heshiiska laga gaaray ay ka mid yihiin  arrimaha dowlad goboleedka Galmudug oo maalmihii u dambeeyay muran ka dhex aloosay shirka iyadoo  hadda la isla gartay in la isu keeno dhinacyada is khilaafsan ee Galmudug iyo in madaxweyne Xaaf laga aqbalay mudda kordhin uu ku gorgortamay.

Waxaa sidoo kale wararku ay sheegayaan in heshiis laga gaaray xeerarka doorashooyinka iyo betroolka oo la go’aamiyay in dib loogu noqdo islamarkaana xukuumadda Federaalka iyo dowlad goboleedyadu isla diyaariyaan.

Maalinta berri ah oo jimco ah ayaa lagu waddaa in magaalada Garowe lagu soo gabagabeeyo Shirka, islamarkaana laga soo saaro qodobadda ay isku raaceen dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.