Khasaare ka dhashay israsaaseyn ka dhacday Garoonka Kismaayo

0
679

inta la xaqiijiyay 3 AskariĀ  ayaa ku dhaawacantay Israsaaseyn ka dhacday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal israsaaseynta ayaa timid kadib markii Ciidamada Ammanka maamulka Jubbaland ay isku dayeen in ay Baaraan Cabdi Naasir Seeraar oo kamid ah Musharixinta Utartamaya Xilka Madaxtininada maamulka Jubbaland.

Seeraar oo horay u soo noqday Afhayeenka Jubbaland ayaa si weyn ula shaqeyn jiray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ka hor in aysan isku dhicin, waxaana uu ka mid yahay hadda Musharaxiinta.

Musharax Seeraar iyo ilaaladisa ayaa ka biya diiday Baaritaanka waxaana taasi ay sababtay in Rasaas ay isweydaarsadan Ciidamada Ammaanka iyo kuwii Ilaalinayay Cabdi Nasir Seeraar.

Wararka qaar waxa ay sheegayaan in Ciidanka dhaawacmay ay yihiin Ciidanka Ilaalada Musharax Seeraar.