Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta oo Maanta xilka la wareega

0
603

Munaasabad uu xilka kula wareegayey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta Wasaarada,iyada oo uu xilka wareejiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradaas ee dhawaan xilka iska casilay.

Munaasabada ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa xubno uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Wasiiro iyo Xildhibaano,waxaana Wasiirkii hore ee wasaaradda Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle uu sirasmi ah xilka ugu wareejiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Dhamaan mas’uuliyiintii ka qeyb gashay munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ay ku amaaneyn waxqabadka uu muujiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle,iyaga oo sidoo kale soo dhaweeyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.